WAR DEG DEG AH:- Haween lagu dhaawacay degmada Laascaanood.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay dhowr qof oo dumar ah.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamada ammaanka ay Xabado ku fureen dumar la sheegay in ay iibinaayeen qaad.

Ciidamada falkaan geystay ayaa ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada iyo Haweenka ayaa waxaa soo gala dhexgalay Khilaaf, waxaana taasi ay sababtay in ciidamada Somaliland ay furaan xabado.

Isku soo wada duuboo Banaabax ballaaran oo looga horjeedo dhaawaca haweenka ayaa la sheegay in hadda ay ka socdaan Magaalada Laascaanood.