DHAGEYSO+SAWIRRO:-Taliye Gorod oo booqday deegaanka Baar-Sanguuni ee G/Jubada Hoose.

0

Wixii ka dambeeyey howlgalkii ballaarnaaa oo ciidanka Xooga Dalka ay ka fuliyeen dhawaan deegaanada dhaca Waqooyiga magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sii kordhayay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamadu ku doonayaan in maleeshiyaadka shabaab laga ciribtiro guud ahaan deegaanadaasi,kadib dhiirogelin ay ka heleen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda.

Ciidamada ayaa ujeheysan haatan deegaano horleh oo kuyaala Jubooyiinka,si kooxaha argagixisada Alshabaab ay uga saaraan guud ahaan deeganada ay ku dhuumaalauysanayaan koxda Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo wafdi saraakiil oo uu hoggaaminayo oo tagay deegaanka Bar Sanguuni oo ay ciidanka  Xoogga dalka ka xoreeyeen kooxda Alshabaab ayaa sheegay in ciidanku aanay dib uga soo laaban doonin deegaanadii ay qabsadeen,balse ay sii socon doonaan.

”Waxaan taagan nahay Baar Sanguuni oo ah jiida hore, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan goobtan nimaadno oo ciidamada kusoo booqanno, si aan u ogaano guulaha ay gaareen iyo baahiyahooda, waxaan uga tacsiyeyneynaa ehelada ciidankii halkan ku dhintey iyo dalalkii ay ka dhinteen, kuwa dhaawacmay waxaan u rajeynayaa inuu illaahay caafimaad siiyo.

Shirka jaraa’id ee uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku qabtay deegaanka Baar Sanguuni kaddib wuxuu kormeeray goobaha kala duwan oo ay ciidanku ku sugan yihiin iyo dhammaan deegaanka, wuxuuna sheegay dadaalada hadda socda inay sii xoojin doonaan isla markasna dhowaan dalka laga sifeyn doono kooxda Alshabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inaysan sidaan uga tageyn ciidanka xoogga  ee ku sugan deegaanka si dadaalada dalka looga xoraynayo cadowga shacabka loosii xoojiyo, waxa kale uu sheegay dowladda Federaalka iney ilgaar ah ku fiirin doonaan ciidankan, maadama daruufo kala duwan laga soo sheegay.

S/Gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii loo mideyn lahaa ciidanka SNA iyo kuwa Jubbaland isla markasna loo qalabeyn doono hal qaab, sidoo kale wuxuu hambalyo u diray ciidanka jiida hore ku sugan oo xilli kasta shacabka ka difaaca kooxda Alshabaab

Sidoo kale taliye Gorod ayaa sheegay deegaankan iyo kuwa kasii shisheeya iney ciidanka dalka gaari doonaan, Taliyaha ayaa u mahad celiyay ciidamada kale ee dowladda ku garab siinaya dagaalka kooxda Alshabaab

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay guulaha ciidanku kasoo hoyeen weerarada kooxda UGUS lagu qaaday, waxayna isla meel dhigeen in howlgalada noocaan oo kale ah lasii xoojiyo inta deegaanada Jubbooyin laga ciribtirayo.