QORMO:- Dulaanka Somaliland ee Puntland & Arragtida Musharax Qurbaawi

0

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu, Salaanta islaamka kabacdi waxaan mahad wayn oo aan la koobi karayn u naqayaa allaha wayn oo inoo sakhiray inaan ka faa,idaysano wakhtigeena iyo aaladaha casriga ahba. Mida xigtana waxaan ku sallinayaa Nabigeena suuban ee Muxamed (NNKH), kadibna waxaan salaamayaa Dhammaan shacab weynaha Reer Putland

—————————
Fikradiii iyo caqliyadii saliimka ahayd ee 20-sano kahor lagu aas-aasay dowlad goboleedka Soomaaliyeed Ee puntland ,Waxay ahayd xal iyo taxliil xallaal ah oo ay dhallaanka iyo ubadkeenu maanta u aayeen,dambarkeedii iyo midhaheediina ay maanta guranayaan dhammaanba Ummada soomaaliyeed.
—————————
-Waxay noqotay Puntland xabag isku haysa madaxbanaanida iyo midnimada ummada soomaaliyeed.

-Gole ammaan oo ay ku nabad galeen kuwii u dhashay iyo kuwii la dhashay.

-Mandaqad ay kasoo kacayaan dhallaan iyo dhalinyaro u heelan Nabada .islamarkaana hiigsanaya hadafkii qarnigii 19aad bilowgiisii ay hiigsanayeen halgamayaashii hooga iyo hallaaga umaray gobonimada qarankan.

(Bosaso-na gumeysi ayaan ka dhaxalnay miyey dhihi lahaayeen)

Somaliland waxay leedahay Ingiriiskii ayaan ka dhaxalnay Dhulka Somaaliyeed Aynu Naqaano Ee Putland.

Gumeysigii asagoo qeybinaya dhulka Soomaaliyeed, dhacayana kheyraadka dalka ayuu hadda isticmaalayay luuqad uu ku muujinayo in beel gaar ah uu dannaheeda ka shaqaynayo si ay u taageerto.

waxaa cad in Ingiriiska markii uu ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka uu damcay in uu ku soo durko Koonfurta, uuna ka codsaday wafdigii afarta quwadood ee adduunka “Four Power Commission of Investigation” in xudduudda British Somaliland iyo Italian Somaliland laga dhigo Bender Ziyaadda oo Boosaaso u dhow.

Sida dhabta ah, codsigaas wuxuu ku salaysnaa sabab

-Abuurridda marin toos ah oo ay sahaydu u marto.

-2- Boob Kheyraadka iyo dhufeys

Protocolkii May 5, 1894 ee ay laba gumeysi ku kala qeybsadeen xudduudda waxay maraysay cirifka 49th dhanka waqooyi galbeed.

Markii la ogaaday in Bender Ziyaadda ay xudduudda Ingiriiska martay, ayay haddana heshiis kale wada galeen laba dhinac March 19, 1907 taasoo lagu go’aansaday in Bendar Ziyaadda ay ka mid noqoto qeybta Talyaaniga kaddib markii beesha halkaas degganayd ka dhaadhiciyay in aan kala jarin, jufada Bender Ziyaadda degtana loogu darin British Somaliland.

Saddex qodob oo qarsoonnaa ayay CIA-da sheegtay in dhab ahaan la isku heysto:

b- waxay sheegtay in galaangalka Britian uu yahay mid dagaal iyo awood ballaarsasho. Markaasi Bender Ziyaadda waxay ahayd meel diyaarado ay ka degi iyo duuli karaan ayadoo aan si rasmi ah u ahayn garoon diraayad ahayn. Sidoo kale waxaa ku yaalla saddex dhufeys iyo saldhig ciidan oo Talyaanigu dhisay.

t- Bender Ziyaadda waxaa ceegaaga macdan fara badan oo ku fadhida 50 KM, oo isugu jirta, dahab, maar iyo qalin.Sidoo kale Laas Baar oo dahab.

j- Kalluumaysi oo ay halkaas ka wadday shirkad Talyaani ah in lala wareego, kaddibna halkaas laga hirgeliyo warshad bacaysa kalluunka.

Inkastoo waxa ay Ingiriiska iyo Talyaaniga isku heysteyn uu ahaa dhul Soomaaliyeed xadayntiisa, si ay kheyraadka u dhacaan ama danahooda u difaacdaan haddana si ay taageero uga helaan beelaha qaar, waxay u muujinayeen in ay dahanooda ka shaqaynayaan.

Caqligii 1948, 70 sannadood kaddib weli waa sidiisa.