Masuul ka tirsanaa Masuuliyiinta degmada Hawlwadaag oo lagu dilay Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir, xalay fiidkii lagu dilay xaafada Shanta Geed ee degmadaasi, kadib markii ay rasaas huwiyeen niman bistoolado ku hubeysnaa.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Guddoomiye Waaxeedka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Jabloos ayaa waxaa la dilay xilli uu fadhiyay Maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taalla xaafada Shanta Geed, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.

Jabloos ayaa wuxuu maamuli jiray Waaxda Saqaawadiin, waxaana uu ahaa nin Oday ah oo si wayn looga yaqaanay Degmada Hawlwadaag, iyada oo dilkiisa ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Guddoomiyaha, ayaa waxaa la tilmaamay in si gaadmo ah ay ku toogteen raggii bistooladaha ku hubeysnaa, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo arkayay xilliga uu dilka dhacayay.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda federaalka oo durbaba ku baxay halka uu dilku ka dhacay, ayaa sidii caadada ahayd waxaa ay ku fashilmeen in ay gacanta ku soo dhigaan dableyda dilka geysatay.

Isku soo wada duuboo maleeshiyaadka ururka argagixisada ah ee Al Shabaabka u qaabilsan dilalka qorsheysan, ayaa xilliyada qaarkood waxaa ay dilal abaabulan ka gaystaan Caasimadda Muqdisho, iyada oo bishan Ramadaan ay kordhiyeen dilalka ay la beegsanayaan dadka kala duwan.