Koox Dableey ah oo Muqdisho ku dishay mid ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada BF.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Mid ka mid ah Ergadii xoo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya xalay fiidkii lagu dilay degmada Dharkeyneley ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo qeybta sare ee jirkiisa ka toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo la dilay xilli uu ka soo baxay salaada Taraaxwiixda ayaa wuxuu dilkiisa si gaar ah uga dhacay xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa.

Ninka la dilay ayaa kamid ahaa ergadii wax ka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, si gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waqti dambe gaaray halkaasi, waxayna qaadeen meydka marxuumka, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID.

Isku soo wada duuboo Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab, ayaa waxaa la xusuustaa in ay dil ugu hanjabeen cid kasta oo ka qayb qaadatay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.