Haweenay Jarmalka u dhalatay oo lagu Afduubtay Muqdisho

0

Dabley hubeesan ayaa bil kahor magaalada Muqdisho waxa ay ka afduubteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo ka howl galeysay xarun Hay’ada ICRC ku leedahay Laami yaraha Buulo Xuubey ee magaalada Muqdisho .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda Haweeneydaasi afduubtay ay geeyeen gobolka Mudug gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Hobyo, waxaana Dableydan gabadha u afduuban ka doonayaan Madax furasho sida wararka soo baxaya sheegayaan.

Cali Aadan oo kamid ah Odayaasha Degmada Hobyo ayaa Warbaahinta u sheegay in koox hubeesan oo ku sugan meel 5-KM u jirta Degmada Hobyo ku heestaan Gabadha Jarmalka u dhalatay ee laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in Dableyda gabadhan afduubka u heesta ay joogaan dhul howd ah ayna halkaasi ku heestaan labo gaari oo Tikniko ah, waxa uuna intaa raaciyay in dableyda Hubeesan ay hada baadi goobayaan ciidamo ka yimid dhinaca Gaalkacyo.

Afduubka haweeneydan u shaqeeneesay Hay’ada ICRC ayaa 3-dii bishii May ka dhacay guri ay degnaayeen shaqaalaha Hay’ada ICRC oo kuyaala Laami yaraha Buulo Xuubey, waxaana afduubkaasi geestay nin kamid ahaa ilaalada gurigaasi.