FAALLO:- Doorashada 2020-ka, Habkii Qabaliga 4.5 oo la sii boqray!

0

Waxaa loo diyaar garoobayaa Soomaaliya sidii loo boobi lahaa kuraasta matalaadda shacabka Soomaaliyeed, qorshahani oo si xowli ah ku socda ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku lug leeyihiin madaxda ugu sarreeysa dowladda FS.

Arrinka muhiimka ah oo ay dadkeennu inay ogaadaan la rabo waxaa weeye in nidaamka hadda dowladda ku dhisan tahay uu yahay heshiis Soomaalida oo dhan ay wada gaartay, tusaale waxa maanta siyaasiga laga guuleysto dabraya waa heshiiskaasi, waxaana dadka looga sheekeeyay in nidaamka qabaliga laga gudbayo, hayeeshee xaajadu sidaa waa ka duwan tahay walaalayaal.

Nidaamka qabaliga hab ka wanaagsan oo dalka lagu gaarsiinayo dowladnimo ka hufan cadaalad darro, nin jecleysi iyo musuq waa arrin la soo dhoweeyo laakiin halka loo socdo ma isweydiiseen waa halkee?

Halka loo socdo waa nidaam lagu sheegay doorasho cod iyo qof in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadda 2020-ka shacabka aad looguma jilcin sida doorashadu tahay.

Marka ugu horreeysaba hal mid ogaada nidaamka qabaliga lagama gudbahayo oo habkani axsaabta badan waa kaa oo shaar loo galiyay waxaana la diyaarinayaa xisbiyo gacan ku rimis ah.

Shirkii Baydhabo Gollaha amniga qaranka ayaa ku heshiiyay qaabka doorasho oo dalka laga sameynayo, horta iyagu ma sharci baa? Baarlamaanka miyay ka tirsan yihiin mise laga la tashaday? Anigu ma garan jawaabahaas, ma aqaan aqoonta barkeed weeye!

Maalinkii Isniintii 11-06-2018 Xamar waxaa xaflad ka dhacday lagu soo bandhigay jiritaanka 15 xisbi, yaad ka garanaysaa? Cajiib qof Soomaali ah waa uu yar yahay oo kuu sheegi kara hal xisbi magaciisa, sababta ma taqaaniin? waxaa weeye, 15-ka xisbi hal xisbi oo qura ayaa mucaarad ka ah! Aaween kuwa kale waa wada muxaafid baa la yiri, kaba daran oo ma kuwa talada maanta heystaa? Maya hee ma siyaasadda ayay shirka kula yihiin mise maahee ma madaxtooyada ayay u wada dhisan yihiin?!

Qaabka xildhibaannada iminka lagaga soo doortay dowlad goboleedyada ayaa la beddalayaa si kuwa hanka uu uga jiro 2020-ka in ay mar kale talada u qabsadaan, waxaana kuraasta gollaha shacabka oo dhan 275 kursi ku tartanaya xisbiyo gacan ku rimis ah(Habkii qabaliga oo la sii boqray) kaddibna xisbi walba kuraasta uu ku guuleysto ayaa xubnaha kamid ka ah qaarkood uu u hibeynayaa, caalamka meel ay ka jirto malahan doorasho ceynkaas ah!!!!

Dowladda federaalka oo xukunka wadanka heysata hal sano iyo dhowr bil ayaa u muuqanaysa mid aan ku guuleysanin wax ka qabashada ammaanka, baahinta/gaarsiinta dowladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda, taas ayaa sababtay in dadka qaar marka aad dhahdo doorasho cod iyo qof ah baa galaynaa inay kugu qoslaan oo aynaan wax jawaab ah ku siinin.

Dadka odrosa siyaasadda oo qaarkood aan kala sheekeystay ayaa ku doodaya in habka wax loo wado uu yahay mid ka liita doorasho dadban oo aynu wada xasuusanno siyaasiyiin, xildhibaanno iyo madaxweyne goboleedyo ay oday Xasan Sheekh Maxamuud(Madaxweynihii hore ee Soomaaliya) kaga soo horjeesteen dhowr sababood oo isbiirsaday ayay u sababeynayaan arrintaas.

Waxaa iska cad, shakina ku jirin in sanadka 2019-ka markii la gaaro uu buuq iyo isqabqabsi badan hareeyn doonto sida loo wajahyo doorashada talada wadanka, saadaasha xun ma wanaagsana balse wixi soo bidhaamaya in la sheego ma ahan dambi waxay u yara eg tahay mid sababi karaysa daadashada dhiig, haddii sida wax loo qorsheeyay oo loo wado aan wax laga beddalin!

Soomaaliya waxay u baahan tahay badbaado sababta aan sidaa ku iri waxaa durba soo baxaya tuhunno la xiriira in dowlado shisheeye oo aan rabin inaan xuso balse kuwa Carbeed kamid ah ay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin kuwa isku diyaarinaya boobka kuraasta matalaadda shacabka Soomaaliyeed, waxaase isweydiin mudan dowladaha reer galbeed oo Maraykanku uu hormuudka u yahay sidii qorshahani lagaga gadi lahaa!

Baarlamaanka labadiisa aqal(Gollaha shacabka iyo Aqalka Senate-ka) haddii ay arrintani ka doodaan, oo ay ka fariisan loona arkin in ay mudan yihiin in laga hadlo si sharciga dalka u waafajiyaan inay wax isbeddalaan waa suurtagal.

Waxaa ku soo koobaya maasadayda qallin qorka ee ah:

Anigu Qaran dumis maahiyo
Dowlad diid aan nabad rabine
Dadkaa saaxiibka la noqday
Colaadaha sokeeyiyo diifta
Nabaradiyo kuwa daqarradu
Gaareen baa dawo u naadiyaa
Dibindaabyadiyo shirqoollada
Darfaha loo kala jiidanaaniyo
Baan uga digaa tafaraaruqa’e
Darxumada weyn waxaa baday
Kuraasta lagu helaayo damaca
Aan dhaafsiisneyn dakhli hele
Dadkayagoow iima iima muuqato
Dowlad sanoo lagu hamiyaayee
Doorashadaa shaki baan ka qabaa
Waan saluugay diyaargaroowgiyo
U taxafeedashada dadbanoo maqalna’e!

Ilaaheey towfiiqda hana waafajiyo.

Qoraa/Falanqeeye: Maxamed Cabdullaahi Maxamed