DHAGEYSO:-Qoysas Ku Guryo Beelay Dab Ka Kacay Muqdisho Oo Gurmad Ka Dalbaday DFS

0

Qoysaskii Degenaa Afar guri oo ku Gubtey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda ka dalbadeen gurmad degdeg ah.

Dabkan  ayaa baabi’iyay dhammaan afartaasi guri iyo hantidii taallay waxaase lagu guuleystay in dadkii ku noolaa oo markaa ku sugnaa aynaan waxba noqon.

Mid ka mid ah Odayaasha deggan gurigaasi oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godeey ayaa u sheegay warbaahinta in dab damiska gobolka Banaadir oo waqti dambe u yimid ay sababtay in ay damin waayaan dabkaasi, sidaasina ay ku basbeeleen dhammaan hantidii guryaha qoysaskaasi Afarta ah u taallay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xitaa ay gubteen dhar carruurta ay u soo iibsadeen oo ay doonayeen in ay ku ciidsiiyaan maalinta farxadda badan ee Ciidul Fidriga.