DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo diray hambalyada ciidda si gaar ahna ula hadlay cidanka difaaca

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in maalinimada berri ay tahay maalinka la oogi doono salaada ciidul Fidriga kadib markii Muslimiintu ay soo soomanaayeen muddo 29 maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa hambalyada ciidda u diray dhammaan umadda Islaamka ah, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland oo uu u rajeeyey inay sanadka sanadkiisa kale barwaaqo iyo bashbash ku gaaraan.