DHAGEYSO:-Hay,ada la dagaalanka HIV & AIDS oo sheegtay in Boosaaso Kaalinta Koowaad ka gashay Xanuunkan

0

Hay,ada dawlada Puntland u qaabilsan la dagaalanka HIV & IDS ayaa sheegtay inuu xiligan kor u sii socda Tirada dadka la nool xanuunka HIV & IDS,ka.

Agaasimaha Hay,ada la dagaalanka Xanuunkan ee dawlada Puntland Mudane C/qaadir Maxamed Bur-Burshe ayaa sheegay magaalada Boosaaso inay qayb ka tahay meelaha Xanuunkan uu aad ugu sii fidayo isagoo sheegay inay sabab u tahay dadka Yamen ka imaanaya ee la nool xanuunkaasi iyo sidoo kale kuwo kale oo ka imaanaya Waqooyiga Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sidoo kale wuxuu shacabka deegaanada Puntland ugu baaqay inay iska baaraan xanuunkaasi si saamayn horleh uusan ugu yeelan Caafimaadkooda waxaana lamaanayaasha cusub uu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan xanuunka oo iska baaraan ka hor inta aysan is guursan Qoysaska Cusub.