DHAGEYSO:- CIID MUBAARAK, Wa Kulu-Caam Wa Antum Bi Khayr.

0

Waxaa mahad leh Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa oo inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciidul Fidriga u soo tebino dhammaan akhristayaasha Allgalgaduud Media, Waxaan halkan hambalyo uga tabineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo beri ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan intii soontay sanadkan 1439 u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allaah ka aqbalo cibaadadooda, Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaana leenahay CIID MUBAARAK, Soomaaliya waxaan Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa uga baryaynaa in uu ka dhigo dhul nabad ah, Soomaalidana uu Allaah niyadooda isu wanaajiyo, Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda Allgalgaduud Media si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noo soo diraya hambalyada ciida barakaysan ee Ciid Fidriga, waxaana dhammaan idiin soo tabineynaa hambalyo taas lamid ah.

Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa sannadkan fooda inagu soo haya ee 1440 haka dhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba.

Mar labaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma, Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد