SAWIRRO:-Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamareeb ka dhagax dhigay Xarumo Muhiim ah

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa  siwadajir ah uga dhagax dhigay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug Xarumo dhowr ah, Waxaana ka mid ah Xarunta Wasaarada Warfaafinta, Xarunta ciidamada Daraawiishta iyo Xarunta ciidamada Nabad-Sugida Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Xaruntii hore ee ciidamada Xooga dalka qaybta 21aad iyo dhismaha Cusub ee Madaxtooyada Galmudug. inkastoo Taliska Qeybta 21aad uu wali ku shaqeeyo Magaalada Cadaado, kadib markii ciidanka Ahlu Sunna dagaal uga soo saareen Dusmareeb horaantii 2015.

Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 21aad, Nabad suggidda, Booliska iyo Daraawiishta ayaana wali u suurtagalin ay Saldhigtaan Caasimadda Galmudug sababo la xariira heshiiska isku dhafka ciidamada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo aan wali dhaqan galin.