SAWIRRO:-Haweeney soomaali oo ku geriyootay shil gaadhi oo ka dhacay maraykanka

0

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.

Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheegeen in gaariga ay Marxuumadda ku geeriyootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay  derbiga Waddo-lugeedka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalibmin.