DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka hadlay qaar ka mid ah wadooyinka muqdisho oo xidhan

0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa xidhnaa isku-socodka Wadooyinka qaar ee muqdisho taas oo loo diidayey in ay Gaadiidka isticmaalaan,waxana cabasho ka muujiyey Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in xidhnaanshaha Wadooyinka iyo baaritaanada waqtiga dheer qaata looga gol leeyahay sugida amniga Caasimadda,isla markaana Shacabka looga dhankooda baahan yahay in ay dul qaataan.