DHAGEYSO:-Gaari siday qaad oo lagu gubay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Sheegaya in ay Al-shabaab weerar ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Degmada Marka iyo Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ku qaadeen gaari siday qaad oo marayay deegaan ku yaalo inta u dhaxeeyso Degmada Marka iyo Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday weerarka la sheegay in ay Fuliyeen Al-shabaab Afar ruux oo gaariga Saarnaayeen.

Hoos ka dhageyso codka Gudoomiyaha buulo mareer