Ciidanka DFS oo lagu eedeeyay ay ku kaceen jirdil iyo Xildhibaan ka hadlay [DAAWO]

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta ayaa lagu eedeeyay in jirdil ay u geysteen Ruux Shacab ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Askari ka tirsan Ciidanka Amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo dhulka ku jiidaya Ruux Shacab ah, kadibna buudka kula istaagaya, isagoo dhulka jiifa.

Muqaalkan ayaa sidoo kale waxaa laga maqlayay dadka Degaanka oo ku qeylinaya “Ha dilin, maxaad ugu fiirsaneysaan, maad ka qabataan”.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiga uu ku kacay mid ka mid ah Ciidamada Amaanka.

Waxuu sheegay in qorshaha Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn jirdilka nuucaasi ee lagu sameeyay muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

<blockquote class=”twitter-tweet” data-lang=”en”><p lang=”en” dir=”ltr”>The Mogadishu stabilization force has no legal mandate to operate &amp; its existence is in violation of article 126 of the constitution (govt calls it a temporary force established by cabinet decision). Heartbreaking to watch them beat up an innocent civilian. Govt must investigate <a href=”https://t.co/tkV0vQ1ieS”>https://t.co/tkV0vQ1ieS</a></p>&mdash; Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) <a href=”https://twitter.com/AbdirizakOm/status/1006958615960440833?ref_src=twsrc%5Etfw”>June 13, 2018</a></blockquote>

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa wax laga xumaado islamarkaana laga argagaxo ku tilmaamay muqaalka muujinaya jirdilkii uu sameeyay Askari ka mid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aadan tacadigaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dhibootooyin oo ay ka cabanayeen dhalinyarada Bajaajleyda, kuwaasi oo qaarkood si bareer ah loogu toogtay Magaalada Caasimada ee Muqdisho.