Faah Faahin: Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo laga celiyay Madaxtooyada Cadaado

0

Warbaahinta Allgalgaduud Media Wararka ay ka helayso Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug, ayaa sheegaya in galabta laga celiyay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug inay galaan Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Galmudug ,kaas oo ka yimid Magaaladda dhuusomareeb.

Wasiirka ayaa kamid ah Garabka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ,iyado Ciidamadda Nabadsugidda DFS iyo saraakil katirsan Kuwa Dowladda Somaaliya ay ka celiyeen Xarunta Madaxtooyadda inuu gallo,taas oo sababta xiisad xoogan.

Magaaladda Ayaa caawa laga maqlayaa Rasaas Gudaheeda ,waxaana la ogayn halkay kudambeyn doonto Xiisadaas iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Galmudug.