DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo shacabka Garoowe ugu baaqay inay Dhir ku beraan Magaalada

0

Madaxweynaha dawlada Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay Puntland wadadii hormarka ay cagta saartay isla markaana ay ka socdaan Mashariico waa weyn oo wadooyinku ugu horeeyaan sida uu sheegay madaxweyne Gaas.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay wadooyin dhowr ah oo laga Hirgaliyey magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland kuwaasoo qaarkood uu shalay xariga ka jaray.

Madaxweynaha dawlada Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe xili uu warbaahinta kula hadlayey wuxuu ugu baaqay shacabka kunool caasimada dawlada Puntland ee Garowe inay ka shaqeeyaan sidii guud ahaan wadooyinka iyo magaalada loogu beeri lahaa dhir cagaaran.