DHAGEYSO:- Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo faah faahiyay sababta uu mucaarad ugu yahay dawladda Soomaaliya.

0

Siyaasiga Cabdirxmaan Cabdi shakuur Warsame oo xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray,isla markaana haatan ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa cadeeyey sababka dambeysay mucaarad nimadiisa.

Siyaasiga oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sameysay balanqaadyo farabadan,ha ahaato kuwo uu u sameeyeeyeen xildhibaanada iyo musharixiintii la tartantay iyo Shacabka intaba.

Siyaasiga ayaa soo qaatay tusaalooyin dhowr ah haba ugu badnaatee arrimaha yareynta safarada,balan qaadkii ahaa in qofkii soo sheega Al-Shabaab la siinayo (Boqol Kun) oo Dollar iyo sidoo kale xeritaanada mararka qaar wadooyinka Muqdisho iyo dhismaha ciidamada.

Shacabka ayuu sheegay in marnaba aysan fahan saneyn mucaaradnimada waxa ay tahay laakin iyaga u jeedadoodu ay tahay in Shaqada ugu horeysa ee la qabto in ay noqoto fulinta balan qaadyadii la sameeyey taasna ay tahay la-xisaabtanka madaxda la doortay.

Dhinaca kale Wareysi uu siiyey mid ka mid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga ayuu ku sheegay in dadka aan markaas dowladda dhalata aan xilka heyn ay u furan tahay in uu saxo qalalaadka dhaca, si looga gudbo in qof walba uu ka baxo balan qaadka uu sameeyey markii uu guuleysto.

Isku soo wada duuboo Siyaasiga ayaa intii uu ku sugna Magalada Muqdisho waxa xilli habeen ah lagu weeraray guri uu ka degan yahay Muqdisho,iyada oo xilligaas la dilay 6 ka mid ahaa ilaaladiisa,isla markaana sidoo kale uu culeysyo farabadan uu kala kulmayey Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO