QORMO:- Dalkeena Shidaalba Kabuuxa

0

Amarka illaahay iyo deeq diisa ayay ku ahaatay,in soomaaliweyn dhulkeeda uu dhigay dushiisa sare,dhul fidsan,dhul buura leey ah,wabiyo iyo dhulbeereed,laba badood oo mid waliba gaar u leedahay khayraadkeeda oo ay takale kaga duwan tahay. hoosta bada waxaa jiifa dheemanka madoow,oo ilo burqanaya iyo moolasha gunta dheer ee shidaal rabi ku yagleelay. bariga baaxada wayn ee ku haboon xoola dhaqashada,iyo macaadinta kala duwan ee dhulka hoos taxan,aduunyada dalalka horu maray ee haysta qalabka casriga ah iyo khibrada aqooneed ee durugsan waxay qireen in dhulka soomaaliyeed uu ku dul jiifo gabi ahaan tiisuba shidaal qudrada illaahay.

waxaa xusid mudan in gobolka soomaali galbeed ama gumaysigu uugu yeero OGADEN uu yahay mid leh gaaska dabiiciga ah iyo dheemanka madoow.Gumaysigii cadaanka ahaa oo ay ethiopia ka heshay xansi ah nicmadaa dhulkani lee yahay,ayaa kamid ah sababaha uugu wayn ee Ethiopia uugu mintiday dhulkeena oo ay ugumaysanayso xoogana uugu haysato.

Waacadaan in gaaska dabiiciga ah afgooye dhex ceegaago,in kismaanyo bariga iyo xeebtaba shidaal buuxo waa cadaan,tanoo keentay in kenya damacday in ay la wareegto ceelashaas badeena iyadoo wadamo reer galbeed gadaal ka riixayaan.kama sheekayn karo buuraha silsilada golis oo inbadan oo kamid ah leh dhagxaanta qaaliga ah iyo macaadin kala duwan sida dahabka oo ay hodan ku yihiin.

Xeebaha dalkeena oo ah kuwa uugu kaluumaysiga badan,oo illaahay qudradiisa ah barta ay ku kulmaan qabiilka kaluunku jifo kasta oo uu yahay. badaha aduunka ayay qabiilooyinkaa kaluunku ka soo haajiraan oo dool ku yimaadaan xeebaha soomaaliyeed oo ay ku leeyihiin barkulan aydanahooda uuga wada hadlaan.

Waxaa hadaba garasho xumo,ayaan daro iyo caasinimo ah soomaaliyeey in aan waxaa illaahay ina siiyay,garan waynay in aan kunoolaano si nabad ah uuga faa iidaysano.dhulkeena in aan hoos u eegno oo ka faa iidaysano nicmadiisa iska daaye,dadkeenii noolaan lahaa ayaan dabar jaraynaa,oo soomaali waxa uu dilaa waa walaalkii soomaali la ah uun.dadkeena hadaan dabar jarno yaan rabnaa in uu dalkaan dhaxlo oo ku noolaado?

Waxaan kasi waynay nasiib daro in aan wax isu quuro oo noolaano.shisheeye oo dhan iyo cadawgeeniina waxa uu dareemay in aynu nahay xoolo aan fahan sanaynba kana fakaraynba waxay haystaan oo dhul wanaagiis ah,markaa waxay fahmeen in ay inagala wareegaan oo iyagu ku noolaadaan inaguna aan ahaano dad hooseeya oo la maamusho.

Nasiib daro fool xun oo inagu aan is galinay weeye,in dhalin yaradeenii soomaaliyeed ay ka qadaan oo calfan waa yaan khayraadka dhulkeena,taa badalkeedana gari go an cidla ah hadku cuno. qofkasta oo soomaaliyeed waxa uu helayaa kaligii oo ku soo hagaagaysa malaayiin dollar,waxaa larabaa in aan u diyaar garawno kala horida ajaanibta usoo shaqo tagi doonta dalkeena,qofkastoo soomaali ahna wuxaa saaran waajib wadaniyadeed oo ah in aan waxeena ilaashano. hadaad maqli jirtay oo aad arki jirtay wadamada khaliijka oo kafiil ka noqda ajaanibta dalkooda yimaada hada adaa kafiil ah hadaad wax kasayso soomaaliyeey.

Khayraadka dalkeena,taakakasta oo dhulka soomaaliyeed ah wixii ku jira waxa uu ka dhaxeeyaa umada soomaaliyeed waxaana xaaran ka ah in cid gooni u sheegato ama damacdo sad bursi gaara. waayo dhulka soomaaliyeed soomaali baa leh khayraadkeena sisiman baan u helaynaa.maxaa yeelay qofka soomaaliga ah ayaa nala weyn waayo waa muwaadin karaamo leh.wax kasta waa wada leenahay ee wax ma kala lihin. waxaan iska ilaalinaynaa oo kaliya shisheeyaha iyo cadawgeena.

Waxaa soomaali oo dhan dal iyo dibad bishaaro u ah,in illaahay inoo kiciyay oo inoo dhaliyay dawlad soomaaliyeed oo garwadeen uu ka yahay wadani buuxa.waa ku diirsanay wacad illaahay ee madaxwaynaheena daacada ah geesiga wadaniga ah soomaaliga ah Muxamed binu cabdullahi. waa ku diirsanay Raysal wasaaraheena dada yar ee ka sheegan afrika oo dhan iyo caalamkaba hanaankiisa maamul iyo xukuumadiisa dalkeena samato bixisay. xaqiir iyo daba dhilif ayaa xag xagtee khayre waa halgamaa wadani ah oo bad baadiyay dalkiisa meel marana kasoo qaaday.

Aqalka sare odaygeena soomaaliyeed ruug cadaa maxamed cabdi xaashi ma ilaawayno hada iyo marwalbaba halganka uu utaagan yahay habeen iyo maalin badbaadada dadka iyo dalka soomaaliyeed iyo sidii dawladeenu uguulaysan lahayd.Dr bayle wiilga gaaban wiil dheh,aqoon iyo garasho iyo meel dheer wax ka arkid ayaa illaahay hibo usiiyay.naf iyo maal waxa uu u huray dadkiisa iyo dalkiisa Mudane beyle oo dalkeenii kala daad sanaa isku dubariday oo kadhigay dal la aamini karo oo leh hanaan canshuur bixin iyo maarayn dhaqaale iyo miisaaniyad ah heer caalami oo aynu kaga horaynaba sida la qiray wadamo farabadan oo dunida ku yaal gaar ahaan afrika.

Dr bayle waa udub dhaxaadka dawladnimada dalkeena.Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliyeed mudane Mursal waa nin wadani ah halkar ah oo lamid ah ragaa aan xusnay,waxa uuna hada baarlamaankeenu u shaqeeya sida baarlamaanada wadamada horumaray,waxaana ka muuqada shaqada ay u hayaan qarankeena iyo karaamo buuxda.makoobi karaayo in aan wasiirada mid mid u xuso oo uuga sheekeeyo,laakiin waxaa dhamaan ay leeyihiin amaan iyo geesinimo ay dalkooda ku badbaadinayaan. labada gole waa mahad sanyihiin,taliyayaasha ciidamadeena amaanka waa mahad sanyihiin,baashe oo ah nin dhalin yaro ah hadana loo dhiibay maxkamada sare waa nin dhalinyaro ah aqoon leh fariid ah wadani ah waa ku faraxsanahay oo aamin sanahay in uu dalkiisa hormarinayo una hurayo naf iyo maalba.

Dhankaad eegtaba maanta soomaaliya waxay haysataa dawlad shacab oo ay ka go an tahay in dalkeena ay ku soo dabaasho hanaan dawladnimo kala danbayn iyo sharci. dawlad rabta in dalkeena ay gacanta ku dhigto cir bad iyo bariba siday ahaan jirtay dawladnibaduba. waa dawlad rabta in shacabku iyadoon lays xag xagan nin walbaa codkiisa ku doorto qofkuu u arko in uu dalkeena u fiican yahay oo yahay wadani la aamini karo. waa dawlad shacab oo ah noocii aynu waligeenba u baahnayn,dadka soomaaliyeedna waa dad wanagsan waxaana ina deeqa cadaalada soomaalinimada iyo dawladnimada,inama anfacayso eex iyo qabiil iyo gobolaysi midna.

waxaa waajib inagu ah in aan ka fakarno in qofkasta oo soomaaliyeed helo,caafimaad,waxbarasho,amaan,iyo in uu xor u yahay in uu codkiisa ku doorto qofkuu u arko wadani soomaaliyeed oo dalka hogaamin kara laguna aamini karaayo xilkaa.xaqmaha in dadkeena soomaaliyeed u dhintaan colaad iyo gaajo aan illaahay ku kalifin laakiin inaga soomaalida ah aan isku kalifnay. waa in aan helaa nabad iyo nolol dalkeena gudihiisa. cidii ka hortimaada nabada iyo nolosha iyo dawladnimada soomaaliyeed waa in cadawgaas cagta aan marinaa oo ka takhalusnaa.

Waxaan idin leeyahay soomaaliyeey walaalayaal aniga iyo idinku waa kala fognahay,maxaa yeelay habeen walba waxaan ku ducaystaa in illaahay cimriga ii dheereeyo si aan shidaalka dalkayga laga soo saarayo dhawaan qaybtayda u helo oo uugu raaxaysto dalkayga nicmadaa eebe ina siiyay,adinkuna qaarkiin xabad baad isu dhigteen oo dhimashaad ku qamaamaysaan oo danba kama lihidin shidaalkiina qaybtaad xaqa u lahaydeen, iyadoo aduunkan aan ogahay in nafina ku waarayn xiligeedana aysan dhaafayn ayaa hadana xujo taalaayoo illaahay aqli iyo diin buu ina siiyay,kolkaa ma oran karaayo dab holcaaya intaan isku tuuro illaahoow i badbaadi. talo saaro illaahay kadibna dabka ka leexo.

Dagaal khasaaro oo xaaran ah in nafta lagu halaago lama ogolo,qofkii fikarayana caqligaaba diidaya dadkaaga soomaaliyeed gumaad aduunkana shidaalkaaga seeg aakhirana cadaab gal. war mataasaa aqli ah! waxaan illaahay kabar yayaa inagoo kuligeen soomaaliya oo dhan nabad hela iyo xasilooni iyo dalkeena oo dawladeenu hanato guud ahaantiis,khayraadka dalkeena oo lasoo saaro dadkeenoo ku noolaada barwaaqo iyo bash bash. soomaaliya oo mid ah is jecel oo walaalo ah.kuweena shaydaanku leexsaday oo illaahay inoo soo hanuuniyo.dawladnimo iyo nabad in soomaaliya hesho ayaan eebe wayne ka baryayaa.

Qofka soomaaliga ahi qiimo wayn oo qaali ah ayuu ilaleeyahay,in wax dhibaato ahi aysan gaarin aduun iyo aakhiraba ayaan ilaahay kabaryayaa. wada jirka iyo sinaanta soomaaliyeed ayaan jeclahay in eebbe ina garan siiyo ayaan ka baryayaa.

Inagoo ah isku diin isku diir isku dad isku dal isku isir isku af oo aan layna kala qaadi karayn ayaa ibliis iyo shaydaan naga adeegtay ee illaahay haynaga dhigo kuwo isdaba qabta oo islaamnimada iyo soomaalinimada ku dhaga.

walaalayaal inama deeqdo waxan ahayn dawladnimo iyo soomaalinimo,shalay hadaan tirsanayno dawlad xun oo ina soomartay aan ka faa iidaysano wixii inaga khaldamay oo cadaalad daro u dhacay,sidaa daraadeed aan noqono dad dalkooda iyo dadkooda u cadaalad fala oo ah dawlad wanaagsan.xaqu waa sidaa iyo caqliguba.

W/Q Yuusuf Cumar