SAWIRO:- RW Dalka Etoobiya oo Booqosho ku Maraya dalka Ugandha

0

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed ayaa waxaa booqasho ay uga bilaabatay Magalada Kambala ee Xarunta dalka Uganda,iyada oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.

Xarunta Madaxtooyada Uganda ayaa waxaa ku qaabilay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni,iyaga oo yeelan doonaan kulan looga hadli doono arrimo muhiim u ah labada dal.

Ra’iisul Wasaare Abiyi Axmed ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda,isaga oo booqasho laba Cisho ah ku joogi doona dalkaas,waxayna labada masuul ka wada hdli doonaan xaalada Soomaaliya oo ay Ciidamo ka joogaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa inta uu ku sugan yahay halkaasi waxa uu ka qeybgeli doonaa Munaasabada Maalinta Geesiyada Uganda,isla markaana la guddoonsiin doono Billada Afrika Garand Master.