SAWIRRO:- Xildhibano lagu dilay Balcad oo Aas Qaran loo sameyaay

0

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle lagu Aasay Xildhibaanadii hir-Shabeelle iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle ee shalay weerarka lagu dilay.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle,Xildhibaano,Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Ehelada Marxuumiinta.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Aaska ka qeyb galay,iyaga oo dhammaan Alle uga baryey masuuliyiintaas in uu Janada ka Waraabiyo.