DHAGEYSO:-Xaalad Adag oo laga soo Sheegay Degmada Baardheere

0

Wararka ka imanaya Magaalada Baar dheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhexeysa Maamulka Magaaladaasi iyo Rag Saraakiil ah taa oo sababtay in Albaabada la isugu laabo isbitaalkii ugu weynaa Magaaladaasi.

Cali Dhuux Maxamuud Gudoomiyihii hore ee Degmada Baar dheere ayaa sheegay in Maalintii Lixaad uu xiran yahay Cisbitaalka ugu weyn Magaalada Baar dheere, isagoona dhinaca kale tilmaamay in Dhibaato xoog leh ay ka jirto Magaalada.