AKHRISO:- Madaxweyne Gaas oo ka hadlay sida lagu sugi karo Amniga Dalka.

0

Madaxweynaha Maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Baydhabo uga qeyb galaya shirka Amniga Qaranka ayaa khudbad dheer uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga hadlay in muhiim ay tahay in dib loo dhiso ciidamadii Qaranka Soomaliyeed uu lahaa.

Waxa uu khubadiisa ku sheegay Madaxweyne Gaas,in dhisida Ciidamada Qaranka soomaaliya ay sahli karto in dalkaan soomaliya uu noqdo mid amni ah.

“Haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha kala duwan ee dawligga ah iyo dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Qaranka soomaaliya ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Madaxda dalka ayuu ugu baaqay in ay wajahaan ama ay ka dhabeeyaan hadalkii ahaa in muhiimada koowaad ay siinayaan dhisida Ciidamada,iyaga oo dadaal kooda oo dhan iskugu gaynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad si shacabka soomaaliyeed kalsooni buuxda u helaan.

Isku soo wada duuboo Xubnaha kale ee dowlad goboleedyada iyo Madaxda dalka ayaa iyana khudbado kala duwan halkaasi ka jeediyey kuwaas oo inta badan diirada saarayey xaalada amni ee dalka iyo qaabkii loo mari karo.