SAWIRRO: Gaas, Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo gaaray Baydhabo.

0

Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Puntland ayaa Gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxda Galmudug iyo Puntland ay diyaarad qaas ka soo qaaday magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb ayaa noqday Madaxdii u horeeyay oo ka socda dowlad goboleedyada oo ka dega Baydhabo.

Sidoo kale waxaa lagu waddaa in ay gaaraan saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo Madaxda Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto.