WARQAD FURAN: Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre dadki waa ay wada cabanayaan.

0

Madaxda Soomaaliya, waa inay ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ee sida hoose xog ogaalka u ahaa mid xil haya iyo mid shacab ahba waa ay wada cabanayaan.

Cabashadaan ayaa ah mid salka ku haysa, is riix riix, isbaheysiga iyo ku baratanka Madaxda dalka yaan lagaaga dhawaan, hebel gees hala geliyo iyo hebel gees hala geliyo, yaan hebel usoo dhawaan Madaxda iyo xafiisyadooda, haddii uu hebel madaxda usoo dhawaado anagaa meesha ka baxayna iwm, arrintaas waxa ay u keenaysaa madaxda dalkeena ceeb iyo eed aysan shaqsiyan iyagu gelin, shaqsiyaad ka ag dhawna ay galayaan, waxaana laga horkeenayaa dadkii Soomaaliyeed haddii ay yihiin mid xil haya iyo mid aan xil hayn oo shacab ahba, dhaqankan waxa uu dalkeena u horseedayaa horumar la’aan, is aamin la’aan iyo bur bur deg deg ah oo dhan walba ah.

Waxaan si xurmadi ku jirto ugu sheegayaa haddii ay og yihiin iyo haddii ay ogeynba Madaxda dalka, waa inay ka warhayaan guud ahaan dalka iyo dadka, gaar ahaana waa in ay isha ku hayaan habdhaqanka hawlwadeenada xafiisyadooda iyo dadka ku hareereysan, waana inay si joogta ah ula socdaan cabashooyinka dhamaan qaybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed, waana in aysan aqbalin in shan nin ama koox yar inta ay isku geedaamaan go’adoona ka geliyaan Madaxda kale iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xaqiiqo ah haddii ay sidaa wax kusii socdaan ama ay sii joogaan dadka fikirka noocaas ah ku dhaqma xafiisyada iyo hareeraha Madaxda dalka oo ay dadka Soomaaliyeed maalinba mid xil haya iyo mid aan xil haynba kala koox kooxeeyaan ama eryadaan, Madaxdeena waa inay ogaadaan in cidlo ay kusoo dhacayaan islamarkaana aan marnaba ay Soomaaliya heleyn Qaran xoog iyo sharaf leh, waxa lagu taageerayana ay noqon doonaan hal bacaad lagu lisay.

Gabgabo waxaan ugu baaqayaa Qof walba oo Soomaali ah oo samo jecel ah, mid xil haya iyo mid aan xil heynba, waxaa mas’uuliyad naga wada saaran tahay dalkan iyo dadkiisa, waana in si wadajir ah loola diriro dadka ku dhaqma dhaqankaan xun ee ragaadiyay dalkeena, ceebta iyo eeda fogna gelinaya Madaxda dalka iyagoon waxba ka ogeyn, waa inaan u istaagno difaaca nuurka yar iyo rajada weyn ee maanta u ifaya ama u muuqata Soomaali oo dhan oo aan si walba ku difaacano nuurkaas iyo rajadaas weyn, waxaa kaloo aad iyo aad muhiim u ah in aan dib u raacno taariikhdii shalay ahayd ee dalkeena oo aan wax ka barano, Taariikhdaas iyo halka uu dalkeena dhigay dhaqanka noocan oo kale ah. Dalka iyo Dadka, Nabad iyo Nolol, Soomaaliya Ha Noolaato.

W/Q: Nur Ugas
Email. nurugas@gmail.com