Akhriso:-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ku yaala buuraha galgala

0

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin degaanka Bali khadar ee  Gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland oo aan ku sugnayn saldhiga xiliga la soo weeraray

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in dagaal culus uu ka dhacay Saldhigga ,islamarkaana Shabaab ay dhowr Jiho ay ka weerareen degaanka xili habeen ah waxaana wararka Ay Warbaahinta ALLGALUUD Heshay sheegayaan in ragan ka tirsan alshabaab ay mudo kooban saldhiga gacanta ku hayeen ayna gubeen gadiid ciidan kuwaas oo xerada yaalay.

wali lama hayo war faah faahsan sheegaya khasaaraha ka dhashay weerar ay alshabaab ku qadeen saldhiga bali khadar .

La soco wixii soo kordha