DHAGEYSO:-Golaha wasiirada Koonfur galbeed oo baaq u diray dowladda soomaaliya iyo AMISOM

0

Golaha wasiirada ee maamulka Koonfur galbeed oo ku yeesheen magaalada Baydhabo waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah.

Kulankaan ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Buurhakaba oo maalmihii ugu dambeeyey laga soo sheegayey dhibaato amni.

Waxay wasiirada ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM iney wax ka qabtaan amniga wadadan, lana dagaallamaan ragga hubeysan ee shacabka dhibaateynaya.

Xasan Cabdi Maxamed oo wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed ayaa saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii looga hadlay kulankaan.