DHAGEYSO:-Dibad Bax ka dhacay Magaalada Boocame ee gobolka Sool

0

Magaalada Boocame ee gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay dibad bax lagu taageerayo dawlada Puntland iyo ciidamada difaaca ee kusugan qaybo kamid ah gobolka Sool.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa wuxuu sheegay inay shacabkan tageero u muujinayeen madaxda iyo ciidamada dawlada Puntland ee ku suga qaybo kamid ah gobolka Sool gaar ahaana deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Xayle Xassan Shire gudoomiyaha golaha deegaanka Degmadaasi ayaa sheegay in shacabku ay soo qaban qaabiyeen dibad baxaasi uuna si weyn uga dhacay magaalada Boocame ee gobolka Sool.