TOP NEWS:- Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka digayay faragelinta dowladaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya.

0

Guddoomiyaha Ururka AU-da, Moussa Faki Mahamad ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Addis Abeba, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey falalka sii kordhaya ee Faragelinta Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inuu Moussa Faki Mahamad tilmaamay inay cabsi-gelintaasi carqalad ku tahay Dhismaha Nabadda iyo Dowladeed ee haatan ka socota Somalia.

“Faragelintaasi waxay kaloo khatar ku tahay guushii adkayd ee laga gaaray Hawlgalkii wadajirka ee Ciiddanka Qaranka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.