FAALLO:- BARAARUG LA AANTA LABADA SHACAB IYO DANAYSIGA LABADA MADAXWAYNE. W/Q. Yuusuf Omar

0

Waxaa ayaamahan kasocda arin u dhaxaysa labada maamul ee soomaaliyeed,Somaliland iyo Punland oo ka gudbay xadkii siyaasad iyo wada hadal una gudbay gacan ka hadal iyo dhiig daadin.

7 Janaayo ayaa waxa dhacay dagaal,waxaa xigay midkale oo ka dhacay 24 .5.2018 oo dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Punland.waxaan si kooban mawduucaan uugu soo afmeerayaa uun dhawr qodob oo kooban.

1.Doorka madaxda labada maamul

2.Doorka labada shacab

3.Doorka ninka xabada ridaya labada dhinacba

DOORKA MADAXDA LABADA MAAMUL
Waxaan ku horaynayaa doorka uu kaqaadanayo arintan Madaxweynaha Punland Dr Abdiwali Gaas.madax weynuhu maha nin dagaal ooge ah balse waa nin leh aqoon sare oo maadi ah.laguma xamanaayo in uu yahay isagu midka ku qaaday dagaal somaliland oo bilaabay duulanka ciidan iyo gacan ka hadalka.Dr Abdiwali waxa uu waayadanba ku mashquulsanaa,latacaalida arimo laxariira dastuurka dawlada fadaraalka ah ee soomaaliyeed,arimaha u dhexeeya dawlad goboleedyada fadaraalka ah ee hoos yimaada dawlada dhexe ee fadaraalka iyo doorarka shaqo ee ay kala leeyihiin.

Dr Gaas shacabka punland waxay u arkaan nin jilicsan,oo reer magaal ah! waxayna sababta dagaalka keentay u dhigeen habacsanaan madaxwaynaha ah.Dr Gaas waxaa u haray mudo yaroo ah bilo in puntland galayso dhawaan doorasho madaxwayne nimada punltnad.Adamaha oo ay ku beerantahay cidii dhadhamisaa kursi in ay sii jeclaato ilaa wadku uugayimaad xajisato kursiga ayaa loo badinayaa in uu fursad u arkay in dib loo dooran doono haduu ku guulaysto dagaanada la qabsaday ee ay punltnad aamin santahay in laga qabsaday dib usoo celintooda.

Hadaba danta madaxweynaha ayaa halkaa gashay,waxa uu iska indhatiray oo uusan danba kalahayn dadka walalaha ah ee muslimiinta ah ee halkaa ku dhimanaaya.kursigiisaa u cad oo kaliya.waxaa u billayd dr gaas in uu kashaqeeyo amaanka,in uu sibuuxda u taageero lana shaqeeyo oo sii laban laabo sidii dawlada dhexe ee soomaaliyeed u guulaysan lahayd si dalkeenu uuga baxo kala qoqobka dawlad la aanta iyo dagaalada sokeeye ee ah oo kaliya khasaare aduun iyo aakhiraba leh.

Doorka Madaxweyne Muuse Biixi Waanin leh dhaqanka jabhadaynta,noloshiisa intii u danbaysayna ku soo jiray,dhiig iyo xasuuq,waxaana xusid mudan in jabhadnimadiisu aysan ahayn mid sida aduunyada kale ka jirta mid ay kumidoobeen dad aamin san mabaadii siyaasadeed kuwaas oo ah biilo kala duwan,waxaa cid walbaa garanaysaa Jabhadii SNM inay ahayd beel sooc ah oo kaliya.Markaa kutubta uu akhristay ee uu cilmi aduun uu kayaqaan waa kuwaas SNM. Muuse Biixi waxaa lacadeeyay lana soo bandhigay in uu dad shacab ah oo reer awdal ah ku xasuuqay degaankooda isagoo ah SNM.

Madaxweyne Muuse Biixi,Somaaliland ayuu ka noqday madaxweyne la doortay.Markiiba waxaa la tuhun san yahay in uu ciidan kuweeraray deegaan iyo reero nabad u fadhiyay oo qabsaday,sababta uu sidaa u yeelay ayaa lala xariirinayaa,culays kaga yimid gudaha soomaaliland,oo shacabku saluug san yihiin qaabka iyo ficilada maamulkiisa durba laga arkay.Waxaa intaa u sii dheer culays xoogan oo kaga yimid dhanka xisbiga mucaaradka ah ee wadani uu sababay in Muuse dheel dheeliyo oo siyaasadii la gabi dhacleeyo.

Kolhadii Muuse luqunta lagalay masuuliyad kawayn,sheekadii qoyska ee SNM,waxa uu kabadin waayay xirfadiisii hore ee jabhadaynta in uu lasoobaxo,oo uu dalka dagaal galiyo xasuuq iyo dhiig si shacabka iyo xisbiga mucaaradku uga jeedsadaan isaga.hadii kale waxaa halis ah in uu kursigiisa waayo. Hadaba siyaasada ah dadka dagaal gali halagaa jeesadee waa mid jirta,laakiin maha mid dadka muslimiinta ahi ay isticmaalaan,waxaa ku dhaqmi jiray kuwa aan rumaysnayn xisaab aakhiro. dhanka kale dawladihii isticmaali jiray siyaasadaa waa hore ayaa laga baxay oo maanta kama shaqayso dunida.

Muuse waxa uu la diriray dhaqankii soo jirenka ahaa ee soomaaliyeed,biri magaydadii ahayd dad la xurmeeyo oo lama taabtaan ah,ayaa ku sameeyay bahdilidaad foolxun,oo ah xarig sida gabadhii yarayd ee Naciimo qorane iyo Boqor buurmadoow.Habdhaqanka noocaan ah ayaa ka fog dhaqan madaxweyne umad maamulaaya tanoo kusifaysan uun ficilada jabhadaynta. Muuse Somaaliland dib ayuu u dhigay hormarkay ku socotay xag nabad galyo iyo dhaqaale iyo maamulba,waxayna hada noqotay xarun jabhadeed. kursiga oo sii fadhiyo darteed ayuu Muuse sidaa u yeelayaa iyo walwal ka haysta sii ahaan shihiisa madaxweyne nimo.

Madaxweyne Muuse waxa uu hor istaagay oo diiday heshiiskii Madaxweynaha khaatumo iyo ay galeen Somaliland.waxa uuna go aan saday in uu xoog kumuquuniya dawlada khaatumo isagoo in kirsan gooni isu taagooda dawladnimo ee ay samaysteen.Dadku waxay u arkaan in Madaxweyne Muuse dawlad u arko jabhada SNM.waana caqabadaha waa weyn ee fadhiidka ka dhigay dalwada uu madaxweyne kayahay Muuse Biixi. kursigiisa in uu dhiiga dadka ku sii haysto ayuu u arkay xalka kaliya ee uu ku sii nagaan karo kursigaas.

Doonista kursiga ayay hada labada madaxweyne u arkaan sifaha kaliya ee ay kusii joogi karaan in ay tahay dhiiga labada shacab soomaaliland iyo puntland oo la daadiyo.waana nasiibdaro. halkan labadoodu saaxiibo dhaw ayay ku yihiin!

DOORKA LABADA SHACAB

Labada shacab waa dad daris ah hadana wada dhashay oo ah soomaali ah islaam.waxay leeyihiin aqoon yahano,culimadii diinta iyo odayaal dhaqameed ablaga soo gaar ah.waxay gabeen in ay qaataan doorkoodii oo ah in labada dhinac kasoo baxaan ergooyin nabadoono ah oo damiya dabkaa,labada nin ku ilaashanayaan kuraastooda.waxayna noqdeen shacab dulmiga ka dhiidhiyi waayay ileen xaq bay u leeyihiin in ay labadaba iska tuuraan.shacabka labada dhinacba maha in mustaqbalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.hadana waa in ay isdaba qabtaan.

DOORKA NINKA XABADA RIDAYA LABADA DHINACBA

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Dr Gaas,waxay doorteen in idinku aad dhimataan iyaguna noolaadaan,waxay doorteen in aad u dhimataan in ay sii haystaan kursigaas oo aysan jirin qaab kale oo ay kusii fadhin karaan.dadka waxaa uugu caqli xun ninka aakhiradiisii dhaafsaday maslaxo aduun oo nin kale leeyahay! ninka ku dhinta maanta dagaalkaas anagoon inkirayn naxariista iyo cafinta illaahay,hadana dagaalada noocaan ah siday diintu inoo sheegtay qofkii ku dhintaa ee lagu dilo iyo kii wax dilay labaduba waa helunaar.

Bal walaalayaal xisaabtama oo kuwa maanta ku dhimanaya ee ladilayo ama wax kudilaya TUKARAQ maxay ku dhinteen? in Muuse Biixi madaxweyne ka sii ahaado somaliland iyo in Dr Gaas markale dib loo soo doorto oo sii haysto kursigaas,maha xataa mid idinka aakhiro daayoo xataa aduunkii dan idiin ah. iyagu aakhiradoodii waxay ku badasheen kursagaa aduun,oo aduunkii waaba ceeshayaan oo madaxweyne waa laleeyahay,lacagna farqaha ayay kabuuxsadeen,caruurtoodiina dibadaha ayay wax barasho uugu joogaan,sidan ayay doorbideen dana moodeen. hadaba kan dhimanayoow dantaadii aaway aduun? aakhirase maxaad filanaysaa?

Guud ahaan dadka soomaaliyeed waxaan leeyahay qof walbaa haka fogaado dhiiga walaalkii soomaaliyeed daadinteeda,ilaa xaqmooyee.Soomaalidu haday dhexdeeda iska layso dhalinyaradii dalka,yaa difaacaya dalkeena bahlahda ah ee cadawga shisheeye rabo in uu inaga dhaxal wareejiyo? beerihii iyo badii iyo xoolihii yaa ka shaqayn oo dalka dhisaya hadii dadkiisii aynu inagu dhamayno? Runtu waxay tahay oo aan la hurayn qofkastoo soomaaliyeed 3 hadifaacdo.

1.Difaaco diintaa islaamka ah ee suniga ah iska diid kala qoqob iyo firqo firqo waxa kugu filan muslim suni ah oo kaliya,

2.Dalkaagu waa SOOMAALIYA difaaco iska iloow kala qaybin iyo gobolaysi iyo kala goyn hal calan oo buluugaa xidigta cad leh haldal iyo haldawlad kugu filan sidaa daraadeed dawladaa fadaraalka ee dhexe aan wada taageero si aan u helo qoomo qofeed iyo mid qaran.wax kale inama deeqdo.

3.Dadkaagu waa SOOMAALI kufaan soomaalinimadaada difaaco iska diid qabiil iyo jifo iyo kala qaybsanaan waxaa kugu filan soomaali ayaan ahay oo kaliya.

Hadaan sidaa yeeli wayno waligeen heli mayno nabad karaamo iyo dawladnimo buuxda oo shaqaysa,halisna waxaan u nahay in dalkeena cadaw dhaxlo.

W/Q. Yuusuf Omar
Email. mashruuc5@hotmail.com