DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Aqalka sare oo ku Baaqay joojnta dagaalka Tukaraq

0

Iyada oo weli ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysay ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa dagaalkaas ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid dhibaato mooyee aan wax faa’iido ah aan laga dhaxleyn.

“Horay ayaan u sheegay oo aan usheegay in dagaal in lagu tirmo mooyee aan lagu tarmeyn,welina waa uu socdaa aniga weli waxaan la yaabanahay waxa lagu arkay tukaraq ee daka loogu leynayo,waxana leeyahay Alle ka baqa oo dadka dagaalka ka daayo ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.