DHAGEYSO:-Maxaa Ka jira in dagaalka u dhaxeeya puntland & soomaaliland ee gobolka sool ay dabada ka riixayaan shirkado shisheeye?

0

Siyaasi Ismaacil Hurer Buuba Oo kamid ah Xubnaha Xisbiga mucaaradka wadani horayna xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii soomaaliya soo maray ayaa Ka hadlay dagaal U dhexeeya Soomaaliland iyo maamulka Puntland Ee ka baryahan ka taagan gobolka sool gaar ahaan deegaanka tukaraq.

Arinta ugu muhiimsan ee siyaasigan ka tirsan xisbiga wadani ayaa ahayd in labada dhinac ayna dagaalkan wax shaqo ah ku lahayn balse ay dabada ka riixayaan sida uu hadalka u dhigay shirkado shisheeye oo doonaya in ay la wareegaan ceel shidaal oo la sheegay in laga helay holhol kaasi oo dalaal soomaaliya dano kale ay dhanka kale doonayaan in ay uga fa’idaystaan dagaalka tukaraq