DHAGEYSO:- Dad Shacab ah iyo Shabaab oo ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Mahadaay.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Shabaab iyo dadka shacabka ah uu ka taagan duleedka Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in tuulada lagu magacaabo Miirtaqwa ay ka taagan tahay xiisadan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin kale ay ku dagaalameen Shabaab iyo dadka shacabka ah.

Shacabkan ayaa waxa ay ka biyo diideen inay bixiyaan lacag baad ah oo ay Shabaab soo dalbadeen, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay Zakawaad, waxayna Shabaab doonayaan dhamaan dadka tuulooyinka in lacagtaan si qasab ah looga aruuriyo.

HOOS KA DHAGEYSO