DHAGEYSO:- Ciidamada Amaanka Jubbaland oo qabtay nin miinooyin aasayay.

0

Wararka naga soo gaaraya maanta Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Shabaab.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in Taliyaha Ciidamada Nabad suggida Jubbaland uu sheegay in ninkaan oo lagu Magacaabo Cabdifitaax ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Ammaanka xilli uu miino ku Aasaayay Duleedka Magaalada kismaayo.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Nabad suggida Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in ay sharciga marsiin doonaan,islamarkaana laga qaadi doono Tilaabo Sharciga Waafaqsan.

HOOS KA DHAGEYSO