AKHRISO:- doonyo Ganacsi oo ku dagay Xeebaha Cumaan

0

Wararka ka imaanayA magaaladda Salalah ee dalkaasi Cumaan waxay sheegayaan in Duufaano xoog leh oo dalkaasi ku dhuftay ay sababeen in halkaasi ay ku dageen ilaa 9 Doonyood oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed. Doonyahan ay qaarkood ay sideen badeecado kale duwan.

Doonyaha Degay iyo kuwo la laayahay ayaa qaar waxaa iska leh Ganacsato reer Puntland, halka qaar kalena ayaa leeyihiin muwaadiniin wadamo kale u dhashay, kuwaasoo ay soo kiraystaan ganacsatada Soomaaliyeed. Saddex doonyood oo la xaqiijiyay inay ku degeen Dekeda Salalah ayaa labo waxaa ay badeecad u soo sideen Dekeda Bosaso, waxaana la kala yiraahdaa Waliidi iyo shaakir Sabir, waxaa kalo degtay Dooni ay lahaayeen Iiraniyiin.

Sidii kale waxaa la laayahay ilaa 5 doonyood oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Waxiidi,keyshali, Maka, Sagar Samrat iyo Al-yuusuf oo ahaa doonyo ay badeecdaha u soo qaadi jiray Dekeda Bosaso ee Puntland.

Dabaysha Cycalone oo xoog leh ayaa ku dhuftay Wadanka Cumaan iyo Koonfurta yemen, waxaana ay sababay dhimasho iyo dad la laayahay, waxaa kaloo ay sababeen khasaaraha hanti farabadan.