DHEGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in laga hortagyo Falalka Amnidarada ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in amniga dalka loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga wada qeyb qaataan,isla markaana lagu dadaalo sidii loo sugi lahaa.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana maalin walba ay dadka dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay,

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in aan dowladda kaliya lagu haleyn sugida amniga dalka balse looga baahan yahay in Shacabka ay Ciidamada kala Shaqeeyeen sidii amniga dalka loo xaqiijinlahaa.