AKHRISO:- Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Baydhabo iyo Ujeedada Safarkooda

0

sida ay faafisay wakaaladda wararka ee dowladda Federaalka, waxaa Magaaladda Baydhabo ee xarunta Mamaulka Koonfur Galbeed gaaray Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka iyo Saraakiil Maraykan ah.

Wafdiga oo ay garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Saraakiil ka titsan qaybta 60-aad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayay abaanduulaha qaybta, Ismaaciil Khalliif Shire. waxaana xubnahan ka socda Wasaaradda Gashaandhiga iyo Saraakiisha Maraykanku ay kulan la qaateen saraakiisha qaybta 60-aad, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl-gallada lagu sugayo ammaanka Dalka iyo sidii loo furi lahaa Waddooyinka qaar oo ku xirmay rabshado ay halkaa ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kaloo kulanka looga wada hadlay sidii ay u ogaan lahaayeen qaab dagaaleedka qaybta iyo waxa uu Ciidanku u baahan yahay, si loogu gudbiyo madaxda iyaga ka sarreysa, iyagoo booqasho tan la mid ahna ugu tegi doono Ciidamada Degmada Buur Hakaba oo isugu jira SNA iyo K/Galbeed.

“Qaybta ayay ugu socdaan qaab dagaaleedkeeda iyo waxa aan u baahannahay qayb ahaan, si ay ugu gudbiyaan madaxda iyaga ka sarreeysay, waxaa u dhinnaa Buur xakabo, ciidamadaasna waxay isugu jiraan SNA iyo K/galbeed” ayuu yiri Abaanduule Ismaaciil Khalliif.

Abaanduulaha wuxuu intaa ku daray inay Ciidamada wada jira ku howlan yihiin diyaargaroow dagaal, iyagoo ku wajahan Tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay ee gacanta ugu jira kooxda Alshabaab, si anay u dhicin hakad ku yimmaadda isu socodkii Dad weynaha.

Waa markii Labaad ee ay Magaalada Baydhabo tagaan wufuuddan ka socota wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo uu qorshuhuna yahay soo Afjaridda kooxda Al-shabaab iyo tayaynta Ciidamada Soomaaliyeed ee halkaa ka how-gala.