Wasiir katirsan Galmudug oo ka hadashay Cuduroka dilaacay degaanadda Galmudug

0

Marwo Naciimo Maxamuud Maxamed Catoosh Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad inta badan Dadadka Deegaanada Galmudug aanan Wanaagasaneen.

Cuduro ay kamid yihiin:- Duumada (Malayria), Shuban Biyoodka Kaadiye-dhiig iyo kuwo kale ayay sheegtay in ay la ildaran yihiin boqolaal qof oo la kala dhigay Isbitaalo ku yaalla Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dawooyinka lagu daweynayo ayay sheegtay Wasiir Naciimo in ay ka go’een Deegaanada Qaar, iyagoona Magaalada Cadaado Goobo Caafimaad oo ku yaalla ay ugu amaahiyeen Daweyn, si gurmad deg deg ah ay dadkaasi u helaan.

Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Tuulooyin hoos taga ayay sheegtay in Cudurada intooda badan ay ka jiraan, dadka ay soo riteenna ay u badan yihiin Carruur iyo dad waayeelo ah.