Saraakisha Midowga Africa oo Kulan kayeeshay Burcad Badeeda

0

Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia ee ATALANTA OPERATION waxay maanta Kulan la leeyihiin Saraakiisha Ciiddanka Badda ee Kenya.

Kulankaasi oo ka dhacayo magaalladda Xeebta leh ee Mombasa, iyagoo ka wada hadlayo Iskaashiga labada dhinac iyo Dhoolatuska Wadajirka ee ay ku muujinayaan qaabka looga hor tegi karo Burcad-baddeedda ku sugan Badda Somalia.

Xubno ka tirsan Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Saraakiisha ka socota Hawlgalka ATALANTA OPERATION.

Ugu yaraan Labo Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda EU-da leeyihiin ayaa ku sugan Xeebta Mombasa, kuwaasi oo qeyb ka ah booqashadda Saraakiisha EU-da ku joogaan dalka Kenya.