Dowladda qadar oo kordhineysa kaalmada dhaqaale ee ay siiso soomaaliya

0

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay kordhineyso Kaalmada Joogtada ah ay siiso Soomaaliya, waxa ayna si gaar ah u kordhinayaan Afurinta Dadka ku sugan Muqdisho.

500 oo qof ayay sheegtay Safaaradda Qadar ee Muqdisho in ay ku afuriyaan Caasimadda Soomaaliya, waxaana intaa dheer ka qeyb qaadashada Mashaariicda iyo Gargaarada deg deg ah ee ay bixiyaan.

Deeqda Dowladda Qadar waxa ay ku sheegtay in ay ka imaado shacabka iyo Dowladda oo iska kaashanaya Caawinta Walaalahood Soomaaliyeed.

Kaalmada Afurinta Qadar ayaa ku eg Magaalada Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in ay wali jiraan Qoysas kale oo u baahan in la Caawiyo.

Wargeyska Alraya ee kasoo baxa Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa Daabacay in Kaalmada ugu badan ee Xukuumadda Dooxa ku bixiso Soomaaliya marka laga soo tago Mashaariicda Dhismaha ay tahay Afurinta Dadka aanan Awoodin wax ay Soonka ugu baxaan.

Dowladda Qadar ayaa Ballanqaadyo badan u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ah Mashaariicda lagu dhisayo Wadooyinka Muqdisho ku xira Degmooyinka Afgooye oo Shabeelaha Hoose ah iyo Jowhar oo Shabeelaha Dhexe ah.