DHAGEYSO:-Maamulka koonfur galbeed oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah alshabaab

0

Maxamed Ibaraahim Bare guddoomiayaha cusub ee gobolka Sh/Hoose oo dhawaan xilkaas loo magacaabay ayaa sheegay in uu furi doono wadooyinka iyo deegaanada ay gu`adoomiyeen kooxda Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii Al-shabaab dhibaatada ay ku hayaan shacabka ay ugu dul qaadi lahaayeen siduu hadalka u dhigay guddomiye Maxamed Ibraahim.

Deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaasha Al-shabaab iyadoona deegaanada kale ee maamulka gobolka ay ku sugan yihiin Al-shabaab ay ka fuliyaan dilal iyo weerar qorsheysan.