DHAGEYSO:-Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada

0

Golasha Shacabka ayaa waxaa ay ka doodeen Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo xaqsiinta Ciidamada,kaasi oo maray aqrintii labaad.

Kulanka ay maanta yeesheen golaha Shacabka waxaa shir gudoominayey guddoomiyaha golaha Shacabka Maxmed Mursal waxaana diiradda lagu saaray kulanka ka doodista Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo xaqsiinta Ciidamada.

Golaha Shacabka markii uu ka dooday Sharcigaan waxaa aqriyey warsaxaafadedka laga soo saaray Sadiiq Warfaa oo ah xoghayaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in talooyinka ay soo jeediyeen xildhibaannada golaha Shacabka la tixgelin doono isaga oo ugu baaqay guddiga in aqriska saddexaad ay ku soo daraan talooyinka la jeediyey.

Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo xaqsiinta Ciidamada ayey ansixiyeen 2017 golaha wasiirrada.