AKHRISO:- Ganacsade Sucuudiga u dhashay oo DFS ugu deeqay Gadiid

0

Kulan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga ay ku yeesheen Wasiirada Caafimaadka Jaamacadda Carabta ayay kaga wada hadleen Xaaladaha Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya una dhashay Sacuudiga Xamuud Bin Samraan Al-Xawaadi ayaa Milkiilaha Shirkadda Ganacsiga AlWaclaan ka gudoomay Gaadiidka Deg dega oo uu ugu deeqay Soomaaliya.

Tiro ahaan waxa ay gaarayaan Afar Gaadiid, iyagoona deeqdaan uu Ganacsadaha Sacuudiga ka shaaciyay Kulan ay lahaayeen Wasiirada Caafimaadka Dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Gaadiidka ayaa yaalla Magaalada Riyadh, waxaana loo gudbinayaa Magaalada Jiddeh si kadib loogu soo qaado Soomaaliya, laguna Wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safiir Xamuud ayaa sanadkii tagay Danjirenimo ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo iyanna ka gudoontay.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Al-Waclaan oo Deeqdaan bixiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu talagaleen, wixii kale oo ay tari karaana ay ka qeyb qaadanayaan.

Saciid Camuudi oo ah Madaxa Iibka Shirkadaan ayaa sheegay in Magaalada Riyadh ay ka qaadi doonaan Gaadiidkaasi afarta ah si ay u geeyaan Magaalada Jiddeh oo ay ugu soo dirayaan Soomaaliya, si gacanta Dowladda Federaalka loogu simo.