AKHRISO:- Digniin Cusub oo laga soo saraay Somaaliya oo Dufaaano ah

0

Kooxaha saadaasha hawadda iyo Xili roobaadka ayaa todobaadkan bilowgiisii soo saaray inay jiraan Roobab dabaylo duufaano ah wata ay ku dhufanayaan qaybo kamid ah gobolada Bari iyo qaybo kamid ah Soomaliland.

Waxaa soo baxday Digniin cusub oo ay soo saareen Khubarada Saadaasha Hawada waxaana ay sheegeen in soo fool leedahay duufaan iyo Roobab kale kuwaasoo laga cabsi qabo inay markale ku dhuftaan Waqooyiga Soomaaliya iyo Xeebalayda Waqooyiga Soomaaliya.

Saadaashan Cusub ayaa lagu sheegay inay imaan karaan Roobabkaa dabayla wata 3 ilaa Afarta maalin ee soocota kuwaasoo looga digay dadku inay kasii fogaadaan Goobaha dhulku u godanyahay.

Khubaradan ayaa si gaar ah Digniin ugu dirtay Dadka Beeralayda ah ee kunool gobolka Bari iyo sidoo kale Xoolo dhaqata kuwaasoo laga sheegay 24 Saac ee soo socota inay isaga Guuraan Goobaha dhulku u godanyahay iyaga iyo xoolohoodaba si waxyeelo uga soo gaarin.

Xeebaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale Digniintaasi iyagana lasoo gaarsiiyey waxaana loogu baaqay Kuulamaystada inay ka baaxaan Badda gudaheeda maadama lasheegay inay badu kacayso.