War Deg Deg Ah:- Toogasho Goordhaweyd Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Isgoyska Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamadda Taraafikada Dowladda Soomaaliya.

Sida ay goob-joogayaal u xaqiyeen warbaahinta ALLGALGUUD rag dhalinyaro ahaa oo ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa fuliyay dilka askariga,waxayna dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka,waxayna isaga baxsadeen goobta dilku ka dhacay

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan,waxayna sidoo kale halkaas ka qaadeen meydka askariga ka Tirsanaa Ciidamada Taraafikadda.