SAWIRRO+DHAGEYSO:- Imaaraadka Carabta oo laba diyaaradood oo Militari ka dejiyay magaalada Hargeysa.

0

Wararka naga soo gaaraya hadda magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda Imaaraadka Carabta ay maanta Magaaladaas gaarsiisay labo diyaaradood oo loogu tala galay in ay qaadaan Gargaar dadka ku dhibaateysan gobolo ka mid ah Somaliland.

Labadda Diyaarooda ayaa markii ay gaareen Hargeysa waxa ay ka qaadeen Daawo iyo Cunooyin loogu tala galay dadka ku sugan gobolka awdal.

Sida wararku sheegayaan Degmada Lughaye ayaa hada ugu daran meelaha ay saameeyeen Fatahaada roobabkii ka da’ay Somaliland.

Dhinaca kale waxaa sii korodhay tirada dadka ku dhintay roobabka dabaylaha watay ee habeennadii Sabtidii iyo Axaddii ka da’ay gobollo ka mid ah Somaliland, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Isku soo wada duuboo mas’uuliyiinta degaanadaas ayaa sheegay inay haatan tirada dadka ku dhintay ay gaarayso 29 qof inta la ogyahay, halka kuwo kalena weli la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.