SAWIRO:- Guddoomiye Yarisow oo Xalay kormeeray Goobihii roobku uu sameyay

0

kormeerkan uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada muqdishi Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow ku tagay Xarunta degmada Xamar weyne ayaa ahayd ukuurgalka saameynta daadadkii ka dhashey roobki mahiigaanka ahaa ee ka da’ay magalaada muqdisho oo ay buuxdhaafiyeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Waxaa ku wehliyay kormeerkiisa guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda,guddoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi,iyagoo isla gartay in biyahaasi laga nadiifiyo goobaha ay fariisinka ka sameysteen maadaama ay xanibeen isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa lagu soo wareejiyay xarunta degmada oo ay ka socdaan howlaha biyo nadiifinta,waxaana uu sidoo kale warbixin ka dhageystay maamulka degmada Xamarweyne oo muujiyay in ay jirto baahiyo loo qabo in biyahaasi laga nadiifiyo,kuwaasi oo saameyn ballaaran yeeshey.

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahne Duqa Muqisho ayaa sheegay in daadadka roobka ay geysteen qasaaro farabadan,isagoo intaasi ku daray in maamulka gobolka ay ka go,antahay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen samatabixinta dadkii biyuhu ay saameeyeen.

Dhinaca kale maamulka gobolka ayaa deeq raashin ah gaarsiyay degmada Boondheera taa oo loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka ay sameyta ku yeesheen roobabka,kuwaasoo guryohooda ay burburiyeen daadadki ka dhashey roobabkaasi.