DHAGEYSO:- Waxgaradka Gobalka Nugaal oo Tageeray Hadalki Gaas ee Tukaraq

0

Maalinimadii shalay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha xukuumadda Puntland oo uu shir gudoominayey madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa siweyn loogu lafaguray dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Shirkaan aan caadiga ahayn ee ay yeesheen golaha xukuumadda Puntland ayaa waxaa ka soo baxay war saxaafadeed ay dowladda Puntland ku cadaysay inay u diyaar garawday dagaal muddo soconaya oo Soomaaliland looga saarayo gobolka Sool, waxaana shacabka Puntland guud ahaan gaar ahaan gobolka Sool looga codsaday inay ciidanka la shaqeeyaan.

Cabdiraxmaan Jaabiri oo katirsan waxgaradka gobolka Nugaal oo Warbaahinta la hadlay waxa uu siweyn u taageeray go’aanka xukuumadda isagoona sheegay in dalku kujiro xaalad dagaal oo aan loo kala hari doonin ayna taageerayaan qorshaha xukuumadda.