AKHRISO:- Qarax Ismidaamin ah oo kadhacay Afgooye

0

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax ismiidaamin ahaa oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn halka loo yaqaano Baar Ismaaciil.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateeen ciidan ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa ku jira xerada Bali-doogle ee loo yaqaano Bancraf-ta, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-shabaab oo qaraxan baraha ay wararkooda ku faafiyaan uga hadlay waxay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna tilaameen qaraxa inuu fuliyay nin iyaga ka tirsanaa oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.
Shabaab waxay kaloo sheegteen weerarkan in ay ku dileen ilaa 12 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee fariisinkooda uu yahay Bali-doogle.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hada aysan faah faahin ka bixin karin qaraxan, balse waxay tilmaameen Khasaaraha dhimashada inuu yar yahay, sidoo kalena dhaawaca yar yahay.

Ciidanka la weeraray ayaa ka yimid dhinaca Garoonka Bali-doogle, waxaana ay ku soo jeedeen magaalada Muqdisho, balse waxa uu weerarka ku qabsaday degmada Afgooye.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Ismiidaamin ah oo Shabaab ay fuliyaan tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.